Posts

Showing posts from June, 2023

Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta

Image
  TAARIIKHDA B. CISMAANIYIINTA (Ottoman Empire History) “Naqtiin” “Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta Turkiga (Qarniyadii 13-20aad) 15 Daqiiqo Kaga Bogo” Boqortooyadii Cismaaniyiintu waxay ku abtirsatay qabaa’il Turki ah oo degi jiray gobolka Khawaarizm (Khorezm) ee bartamaha qaaradda Aasiya. Qarnigii 13aad dunida Islaamku waxa ay la kulantay weerar bahalnimo ah oo dhanka Bariga kaga yimid, kaasoo ay kusoo qaadday boqortooyadii Mangool (Mongols) ee xilligaasi dunida sida daadka oo kale u qaadday. Weerarkaasi waxa uu keenay inay khilaafadii Cabbaasiyiintu burburtay. Qabaa’ilkii Turkida ahaa, markaas, waxay u hayaameen dhulka Anatolia (dhulka iminka Turkiga la yiraahdo) iyaga oo ka baxsanayay gulufkii ciidankii Mangoolka ee uu hoggaaminayey Genghis Khan. Hoggaamiyihii qabiilka Qaayi (Kayi Tribe) ee Turkiga Ertugrul ibnu Suleyman Shah ayaa fursad u helay in uu heshiis uu ku hoos tegayo la galo Suldaan Calaa’addiin (Ala ad-Din) suldaankii dowladdii Salaajiqada (Seljuks) ee ka tali...

Ragow Dumarka Hala Dhowro

Image
  😭 Ragoow gabdhaha yaan la niyad jabin😭 Marka ay ku jeceshahay wey faraxsan tahay waliba aad bey kuu xiiseysaa iyadoo kugu faaneysa, waxa ayna dareentaa farxada marka ay kula hadleyso. Waxa ay la saaxiibtaa asxaabtaada qaraabadaada gabdhaha kula dhashay, waxeyna kula jeclaataa waxa aad jeceshahay, nolosheeda oo dhan waxey ka dhigtaa mid adiga marwalba ku qancisa. Dhibaato uma aragto niyada ood ka jabiso, weyba ku cafisaa ka hor inta aadan raali gelin wey ku jeceshahay waxeyna isku daydaa in ay maseerto waxeyna kaa dooneysaa jaceyl lamid ah midka ay iyada kuu muujiso. Waxey diidaa in ay xiriir kale la sameyso wiilasha kale adiga ayay nolosheeda oo dhan kugu soo koobtaa, waxba uma aragto hadii aad wax siiso iyo hadii aadan waxba siinin. Maxaayeelay danta ay kaa leedahay waa mustaqbal maahan in ay wax kale kaa dooneyso, bal xaalada ay ku jirto eeg gabadhaas. Qalbigeeda waxa uu ka sameysan yahay dahab aad u qaali ah jaceylna ka buuxa, waxeyna u qalantaa in loola dhaqmo sida boqorad ...