Ragow Dumarka Hala Dhowro
Marka ay ku jeceshahay wey faraxsan tahay waliba aad bey kuu xiiseysaa iyadoo kugu faaneysa, waxa ayna dareentaa farxada marka ay kula hadleyso.
Waxa ay la saaxiibtaa asxaabtaada qaraabadaada gabdhaha kula dhashay, waxeyna kula jeclaataa waxa aad jeceshahay, nolosheeda oo dhan waxey ka dhigtaa mid adiga marwalba ku qancisa.
Dhibaato uma aragto niyada ood ka jabiso, weyba ku cafisaa ka hor inta aadan raali gelin wey ku jeceshahay waxeyna isku daydaa in ay maseerto waxeyna kaa dooneysaa jaceyl lamid ah midka ay iyada kuu muujiso.
Waxey diidaa in ay xiriir kale la sameyso wiilasha kale adiga ayay nolosheeda oo dhan kugu soo koobtaa, waxba uma aragto hadii aad wax siiso iyo hadii aadan waxba siinin.
Maxaayeelay danta ay kaa leedahay waa mustaqbal maahan in ay wax kale kaa dooneyso, bal xaalada ay ku jirto eeg gabadhaas.
Qalbigeeda waxa uu ka sameysan yahay dahab aad u qaali ah jaceylna ka buuxa, waxeyna u qalantaa in loola dhaqmo sida boqorad oo kale.
Gabadha jaceylka xad dhaafka ah kuu muujisay waqtigeeda oo dhana kugu bixisay, kaagana dooratay rag laga yaabee in ay kaaga fiicnaan lahaayeen.
Hadana waxey aaminsan tahay in aad tahay raga dhan midkey ka dooratay ayna ka jeclaatay, kwrn hadii aad cidleyso ugana tagto niyad jab, qalbi dhaawac.
Raggii oo ay hortaa u diiday adiga dartaa markey arkaan iyadoo xaalad xun ku jirta ku qoslaan kuna maadeystaan sida ruux waalan kuna dhahaan aaway ninkii aad shalay dartiisa noo diidi jirtay muu ilinta kaa tir-tiro.
Ogoow waxaad galabsan doontaa nabsi aanan kaa hari doonin ilaa aad iilka ka gasho aduunyo iyo aakhirana midna kuma harsan doontid, gabadhaan maskiinta ah ee ku aamintay xaqii aad ka gashay, ogoow in uu Rabi ku arkayo.
Raalina ka noqon doonin dulmiga aad ku sameysay gabadhaan kuu hibeysay nolosheeda ma aheyn in aad ciisho ama ay ka shalayso sababtii ay kuu jeclaatay.
Fuli dhamaan balamihii aad qaaday oo haka mid noqon munaafaqiinta maanta waa aduunyo barina waa aakhiro, hadii ay qalad kaa gasho sii fursado badan oo ay ku saxi karto qaladaadkii ay kaa gashay.
Ileen waa bini'aadam qalad wuu ka dhici karaa marwalba adigaba qaladaad waad samey eysaa, ma qaldame waa Allah, ma aheyn in aad dayacdo gabadh ragoo dhan kaa dooratay.
Waliba ceebaheeda aad baraha bulshada ku faafiso, adigaba ma jecleyn in gabadha kula dhalatay sidaas la yeelo ina Raggow hadii lagu qaban karo ka joog oo ka daa hooyoyinkeena ciilka aad badeen dhibaatana ha u horseedina.
"Dumarka xushmad ayay naga mudan yihiin"
"Dumarka xanaaneyn ayay naga mudan yihiin"
Ha iloobin in aad website-keyga like dhahdo follow isoo dhahdo si aad wax walba ula socoto.
✍W/Q:Abshir Pro

Comments
Post a Comment