Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta
TAARIIKHDA B. CISMAANIYIINTA
(Ottoman Empire History)
“Naqtiin”
“Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta Turkiga (Qarniyadii 13-20aad) 15 Daqiiqo Kaga Bogo”
Boqortooyadii Cismaaniyiintu waxay ku abtirsatay qabaa’il Turki ah oo degi jiray gobolka Khawaarizm (Khorezm) ee bartamaha qaaradda Aasiya.
Qarnigii 13aad dunida Islaamku waxa ay la kulantay weerar bahalnimo ah oo dhanka Bariga kaga yimid, kaasoo ay kusoo qaadday boqortooyadii Mangool (Mongols) ee xilligaasi dunida sida daadka oo kale u qaadday. Weerarkaasi waxa uu keenay inay khilaafadii Cabbaasiyiintu burburtay.
Qabaa’ilkii Turkida ahaa, markaas, waxay u hayaameen dhulka Anatolia (dhulka iminka Turkiga la yiraahdo) iyaga oo ka baxsanayay gulufkii ciidankii Mangoolka ee uu hoggaaminayey Genghis Khan.
Hoggaamiyihii qabiilka Qaayi (Kayi Tribe) ee Turkiga Ertugrul ibnu Suleyman Shah ayaa fursad u helay in uu heshiis uu ku hoos tegayo la galo Suldaan Calaa’addiin (Ala ad-Din) suldaankii dowladdii Salaajiqada (Seljuks) ee ka talin jirtay dhulka Anatooliya.
Ertugrul waxa uu Suldaan Calaa’addiin garab ku siiyay jebintii ciidamadii Mangoolka. Sidaas darteed buu suldaanku Ertugrul iyo qabiilkiisii abaal-gud u siiyay dhul ay degaan.
Sanaddii (1288), keddib markii uu Ertugrul dhintay, waxa dhaxlay wiilkiisii Cismaan (Osman, 1300-1326), oo isagu madax bannaani ka qaatay Salaajiqadii, dhul aad u ballaaran oo kamid ah dhulkii Salaajiqadana imaaraddiisa ku darsaday. Sidaas bayna dowladdii Cismaaniyiintu ku aas’aasantay sanaddii (1300).
Imaaradda Cismaan waxay ahayd degaan ahaan imaaradihii yaryaraa ee muslimiinta tan ugu dhow boqortooyadii Biisandha (Byzantine Empire) oo sidoo kale loo yaqiin Boqortootadii Roomanka Bari (Eastern Roman Empire). Cismaan waxa uu billaabay in uu imaaraddiisa ballaariyo, qaadayna duullaanno uu dhulal badan Biisandha uga qabsaday, waxana arrinta u fududeeyay Biisandha oo xilligaasi tabar darnayd, burbursanaydna.
Wiilkiisii Oorkhaan (Orchan, 1326-1359) baa isaguna duullaannadii halkiisii kasii waday ilaa uu Anatooliya (Turkiga) oo dhan qabsaday. Sidoo kale waxa uu ka gudbay Marinka Dardaneel (The Dardanelles) ilaa uu Maqdooniya (Macedonia) gaaray, hase yeeshee Yurub gudaha uma aanu sii gelin.
Oorkhaan waxa uu samaystay ciidan qaab dowladeed u dhisan oo awood badan, loona baxshay magaca Inkishaariya (Janissary), ciidankaas oo xul ahaa, lagana soo ururiyay dhammaan gobolladii imaaraddu ay ka koobnayd.
Muraadkii 1aad (1359-1389) oo uu dhalay Oorkhaan waxa uu weerar culus ku qaaday Yurub, waxana uu qabsaday magaalada Adrianople oo ku dhow xuduudaha Giriigga iyo Bulgaariya, waxana uu u bixiyay Edirne. Edirne waxay noqotay caasimadda cusub ee dowladda Cismaaniyiinta. Waxa kale oo ay noqotay saldhigga ciidan ee ugu weyn ee uu kaga duulo qaaradda Yurub.
Muraadkii 1aad waxa u suurto gashay in uu qabsado Serbiya (Serbia) iyo Bulgaariya (Bulgaria), waxana uu boqorkii Biizandha ku khasbay inuu jizyo (canshuur) bixiyo. Muraadkii 1aad waxa uu dhintay ciidankiisa oo dul fadhiya, se aan weli qabsan, caasimadda Bulgaariya, Soofiya.
Baa-Yaziid-kii 1aad (Bayezid I, 1389-1402) oo loo yaqaannay (Gugac = Thunderbolt), oo xukunka kaga dambeeyay aabbihiis Muraadkii 1aad, waxa uu qabsaday Greece iyo Hungary, dowladdii Biizandhana waxa uu ka fara maroojoyay dhamnaan dhulalkii ay ka talinaysay, marka laga reebo caasimadda Qustantiiniya (Istanbuul).
Guulihii is daba-joogga ahaa ee Cismaaniyiintu waxay sababeen inay Yurub is bahaysato, oo sanaddii 1396kii samaysato ciidan aad u ballaaran oo uu hoggaaminayey boqorkii Hungary, Sigismund. Hase yeeshee Baa-Yaziid baa ku jebiyay dagaalkii ka dhacay Nicopolis oo ahayd magaalo waqooyiga Bulgaariya ku taal.
Xaalka oo sidaas ah, Baa-Yaziid waxa uu hakiyay duullaankii uu Yurub ku ahaa, maxaa yeelay waxa soo food daartay khatar kale oo hor leh. Taymuur Lank (Tamerlane) baa dhanka bariga weerar culus kasoo qaaday, soo gaarayna xuduudihii dowladdaCismaaniyiinta.
Taymuur Lank oo isir ahaan Turco-Mongol ahaa, waxa uu boqortooyo awood badan (1370-1405) ka samaystay dhulka hadda loo yaqaan Iran, Afghanistan iyo Aasiyada Dhexe.
Sanaddii 1402dii dagaal faraha looga gubtay baa waxa uu Ankara ku dhex maray Baa-Yaziid iyo Taymuur Lank, hase yeeshee dagaalkaas Taymuur Lank baa Cismaaniyiinta kaga guulaystay.
Baa-Yaziid waxa uu kamid noqday maxabiistii dagaalka ee uu Taymuur Lank qabsaday, sidii loo jir dilayay, buuna xabsiga ku dhintay.
Taymuur Lank dib buu uga gurtay maamulkii dowladda Cismaaniyiinta oo burbursan, burburkaasina waxa uu socday muddo dhawr iyo toban sano ah, ilaa uu yimid Muraadkii 2aad.
Muraadkii 2aad (1421-1451) waxaa u suurto gashay inuu dib usoo dhiso dowladdii cismaaniyiinta, dibna usoo celiyo dhammaan dhulalkii looga qabsaday Aasiyada Yar iyo Yurub.
Sanaddii 1444kii Muraadkii 2aad waxa uu iska caabbiyay duullaanno kaga yimid ciidamo is bahaystay oo xoog badan, kana koobnaa dalalka; Hungary , Poland, Serbia iyo Biisandha uuna hoggaaminayey boqorkii Hungary, waxana uu u diiday inay Wabiga Danube soo gudbaan.
Muraadkii 2aad waxa uu inankiisii Maxamedkii 2aad (Mehmed II, 1451-1481) oo lagu naaneysi jiray Maxamed Al-Faatix (Mehmed the Conqueror) uga dhintay ciidan xoog leh oo midaamsan.
Guulihii uu Maxamed Al-Faatix gaaray waxa ugu waynayd in uu sanaddii 1453kii furtay caasimaddii boqortootadii Biizandha, Qustantiiniya (Constantinople = Istanbuul).
Magacii magaalada waxa loo beddelay Islaambuul oo markii dambe loo sii beddelay Istanbuul, kaniisaddii ay magaaladu caanka ku ahayd (Aya Sophia) waxa loo beddelay Masjid. Sidaas bay Istanbuul ku noqotay caasimaddii dowladda Cismaaniyiinta.
Maxamed Al-Faatix intaas kuma aanu hakan eh, dhammaan dhulkii saldanaddii Saljuyqiyiintu at xukumi jirtay maamulkiisa ayuu hoos geeyay.
Suldaan Saliimkii 1aad (Selim I, 1512-1520) xilligiisii waxa u suurto gashay inuu xididdada u siibo dowladdii Safawiyada (Safavid Empire) Iiraan, waxana uu uga guulaystay dagaalkii ka dhacay Chaldiran oo ah goob ku taal xuduudda Turkiga iyo Azerbaijan. Sidoo kale waxa uu qabsaday Masar iyo Shaam (Falanstiine, Lubnaan, Suuriya iyo Jordan) isaga oo Mamaaliigtii ku jebiyay dagaalkii Ridaniya, waxana maxbuus ahaan loo soo qabtay Tuman Bay oo ahaa suldaankii ugu dambeeyay saldanaddii Mamaaliigta (Mamluk Sultanate) ee Masar ka talinaysay.
Isla waqtigaas, shariifkii Makka ayaa furayaashii labada Xaram ee xurmada leh ku wareejiyay Sultaan Saliimkii 1aad, isaga oo sidaasi ku hoos tegay dowladdii Cismaaniyiinta. Sidoo kale, Sultaan Saliim waxa uu qabsaday Beytul-Maqdis keddib markii uu Mamaaliigtii Masar jebiyay.
Sanaddii 1518kii Suldaan Saliimkii 1aad waxa uu noqday Khaliifkii ugu horreeyay muslimiinta oo Cismaaniyiinta kasoo jeeday, keddib markii uu Masar qabsaday, waxana uu caasimaddii khilaafada ka wareejiyay Qaahira, una wareejiyay Istanbuul.
Qaahira waxay marti gelinaysay caasimaddii khilaafada Cabbaasiyiinta, laga soo billaabo markii ay Baghdaad burburtay, waxana marti geliyay mamaaliigtii Masar ka talinaysay.
Keddib markii uu Masar furtay, mamaaliigtiina jebiyay, Sultaan Saliimkii 1aad waxa uu khaliifkii Cabbaasiyiinta Al-Mutawakilkii 3aad ku khasbay in uu khilaafada uga tanaasulo. Sidaas bayna khilaafadii uga baxday gacantii Cabbaasiyiinta uguna wareegtay gacantii Cismaaniyiinta.
Dowladdii Cismaaniyiintu waxay heerkeedii ugu sarraysay gaartay xilligii Sultaan Sulaymaan Qaanuuni (1521-1566) oo uu dhalay Sultaan Saliimkii 1aad, kaas oo Reer Galbeedku ay ku naynaaseen Sulaymaankii Weynaa (Suleiman the Magnificent).
Sultaan Sulaymaan Qaanuuni ciidankiisii ayuu ula ruqaansaday dhanka Yurub, waxana uu qabsaday magaalada Belgrade, caasimadda Serbia. Waxa kale oo uu qabsaday Jasiiradda Rhodes oo iminka kamid ah dalka Giriigga.
Waxa uu dagaal daba dheeraaday la galay boqortooyadii Hungary, ilaa uu markii dambe ku jebiyay dagaalkii ka dhacay waadiga Mohacs sanaddii 1526kii.
Intaas keddib, Sultaan Sulaymaan waxa uu diiradda saaray xaggaas iyo boqortooyadii Austria oo uu xukumayey boqor Ferdinand, waxana uu dul degay magaalada Vienna, caasimadda Austria, hase yeeshee ma aanu awoodin in uu magaalada ku khasbo inay is dhiibto.
Sultaan Sulaymaan Qaanuuni waxa uu heshiis is-xulafaysi la galay boqorkii Faransiiska Faransiiskii 1aad. Is-xulafaysigaasi guulo la taaban karo ayuu ka soo hoysay magaalooyinkii Talyaaniga, hase yeeshee, si buuxda uma aanu gaarin dantii laga lahaa, keddib markii boqorkii Faransiisku uu heshiiska ka baxay.
Cismaaniyiintu waxay lahaayeen raxan maraakiib badeed ah oo aad u xoog badan, uuna hoggaaminayey Kheruddiin Barbaroos (Hayreddin Barbarossa). Barbaroos waxana uu awood u yeeshay inuu maquuniyo Waqooyiga Afrika, iyo inuu badda Mediterranean-ka ku jebiyo Spain iyo Venice.
Muddadii u dhaxaysay 1683-1827 xukunka dowladdii Cismaaniyiinta waxa iskaga dambeeyay 15 sultaan. Muddadaas waxa soo koobmay furashooyinkii Yurub, waxana soo baxay quwado cusub sida Russia iyo Austria, kuwaasi oo baqdin geliyay xuduudihii dowladdii khilaafada.
Qarnigii 19aad dowladdii Cismaaniyiinta waxa loo bixiyay Ninkii Yurub ee Bukay (sick man of Europe), waxana billowday kacdoonno gudaha ah oo isir ku dhisan, sida kacdoonkii dadka asal ahaan Giriig kasoo jeeday iyo dhaqdhaqaaqii Wahaabiyada ee ka dillaacay dhulka Xijaas.
Waqtigaas waxa soo baxay Maxamed Cali Baasha oo gooni ula go’ay Masar iyo Shaam, dagaal ba’anna la galay sultaankii Cismaaniyiinta, kuna sigtay in uu bartamaha Turkiga gaaro.
Ruushka ayaa isna dowladdii Cismaaniyiinta kala wareegay inta badan dhulalkii Aasiyada Dhexe, sidoo kalena dowladdii Cismaaniyiinta waxa gacanteeda ka baxay dhulal badan oo Yurub ah dagaalladii ay la gashay Austria, Hungary iyo Bulgaria dartood.
Waxa billaabatay qabyaalad iyo in isir ahaan lagu kala tago, iyada oo dadkii asal ahaan Turkida ahaa ay dhinac isula baxeen. Waxa soo baxay dadyow kale oo isir ahaan isu bahaystay sida Carab, Arman, Yurub , Sharkas iyo qowmiyado kale, kuwaas oo dhamaantood doonayay inay xukunkii Cismaaniyiinta ka hoos baxaan.
Sidaas oo kale, xilligaasi waxa uu ahaa markii ay Yuhuuddu isku dayday inay dhulka Falastiin dowladdii Cismaaniyiinta ka iibsato, waxase si ba’an isu hor taagay Sultaan Cabdilxamiidkii 2aad (1876-1909).
Waxa billowday dhaqdhaqaaqyo isir raac Turki ah, sida Xisbiga Midnimada iyo Horumarka (Union and Progress Party) kaas oo si ba’an lafaha uga galay hay’adihii dowladda iyo ciidamada, noqdayna jihada iyadu dhab ahaan dowladdii Cismaaniyiinta xukunka.
Laga billaabo sanaddii 1914kii dowladdii Cismaaniyiintu waxay gashay Dagaalkii 1aad ee Dunida, iyada oo ka barbar dagaallamaysay Jarmalka, Austria iyo Hungary, kuwaasi oo ka soo hor jeeday xulafadii (Ingiriiska - Faransiiska - Ruushka).
Dagaalkii 1aad ee Adduunku waxa uu dhamaaday iyada oo Dowladdii Cismaaniyiinta la jebiyay, waxana ka dhashay in ciidamadii xulafada oo ay la socdeen ciidankii Giriiggu ay galaan dhulkii Cismaaniyiinta.
Waxa xilligaas soo baxay abaanduulihii ciidamada Turkiga Mustafa Kemal Atatürk oo isagu hoggaamiyay dagaalladii dib u-xoreynta dalka, waxana uu jebiyay ciidankii Giriigga iyo xulafadii duullaanka soo qaaday sanaddii 1922kii, arrintaas oo magac iyo maamuus aad u weyn uu ku helay.
Sanaddii 1924kii Atatürk waxa uu ku dhawaaqay inuu burriyay khilaafadii Cismaaniyiinta, uuna aas’aasay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxa sidoo kale uu faraha ka qaaday dhammaan dhulalkii aan Turkiga ahayn ee khilaafada hoos tegi jiray, isaga oo saxiixay Heshiiskii la magac baxay Treaty of Lausanne.
Cabdulmajiid-kii 2aad (Abdülmecit II, 1922-1924) waxa uu ahaa khaliifkii ugu dambeeyay khulafadii Muslimiinta, sidaas bayna dowladdii Cismaaniyiintu ku burburtay keddib markii ay jirtay ku dhowaad 600 Sano
✍W/Q:Abshir Pro
Fariiddrama@gmail.com

Comments
Post a Comment