Posts

Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta

Image
  TAARIIKHDA B. CISMAANIYIINTA (Ottoman Empire History) “Naqtiin” “Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta Turkiga (Qarniyadii 13-20aad) 15 Daqiiqo Kaga Bogo” Boqortooyadii Cismaaniyiintu waxay ku abtirsatay qabaa’il Turki ah oo degi jiray gobolka Khawaarizm (Khorezm) ee bartamaha qaaradda Aasiya. Qarnigii 13aad dunida Islaamku waxa ay la kulantay weerar bahalnimo ah oo dhanka Bariga kaga yimid, kaasoo ay kusoo qaadday boqortooyadii Mangool (Mongols) ee xilligaasi dunida sida daadka oo kale u qaadday. Weerarkaasi waxa uu keenay inay khilaafadii Cabbaasiyiintu burburtay. Qabaa’ilkii Turkida ahaa, markaas, waxay u hayaameen dhulka Anatolia (dhulka iminka Turkiga la yiraahdo) iyaga oo ka baxsanayay gulufkii ciidankii Mangoolka ee uu hoggaaminayey Genghis Khan. Hoggaamiyihii qabiilka Qaayi (Kayi Tribe) ee Turkiga Ertugrul ibnu Suleyman Shah ayaa fursad u helay in uu heshiis uu ku hoos tegayo la galo Suldaan Calaa’addiin (Ala ad-Din) suldaankii dowladdii Salaajiqada (Seljuks) ee ka tali...

Ragow Dumarka Hala Dhowro

Image
  😭 Ragoow gabdhaha yaan la niyad jabin😭 Marka ay ku jeceshahay wey faraxsan tahay waliba aad bey kuu xiiseysaa iyadoo kugu faaneysa, waxa ayna dareentaa farxada marka ay kula hadleyso. Waxa ay la saaxiibtaa asxaabtaada qaraabadaada gabdhaha kula dhashay, waxeyna kula jeclaataa waxa aad jeceshahay, nolosheeda oo dhan waxey ka dhigtaa mid adiga marwalba ku qancisa. Dhibaato uma aragto niyada ood ka jabiso, weyba ku cafisaa ka hor inta aadan raali gelin wey ku jeceshahay waxeyna isku daydaa in ay maseerto waxeyna kaa dooneysaa jaceyl lamid ah midka ay iyada kuu muujiso. Waxey diidaa in ay xiriir kale la sameyso wiilasha kale adiga ayay nolosheeda oo dhan kugu soo koobtaa, waxba uma aragto hadii aad wax siiso iyo hadii aadan waxba siinin. Maxaayeelay danta ay kaa leedahay waa mustaqbal maahan in ay wax kale kaa dooneyso, bal xaalada ay ku jirto eeg gabadhaas. Qalbigeeda waxa uu ka sameysan yahay dahab aad u qaali ah jaceylna ka buuxa, waxeyna u qalantaa in loola dhaqmo sida boqorad ...

HADAF IYO HIIGSI

Image
 Maxaa La Yiraahdaa Hadaf Hadaf waa qorshe ama ujeedo gaar ah oo qofku uu doonayo inuu gaaro. Hadafku waa inuu ahaado mid gaar ah, la gaari karo, la xisaabtami karo, iyo la joogtayn karo. Tusaale ahaan, hadaf waxaa noqon kara in qofku uu doonayo inuu kordhiyo miisaankiisa 10kg bishii ugu horeysay ee sanadka. Hadafyada waxaa ka mid ah: korinta dakhliga, korinta xirfadda, ilaalinta caafimaadka, barashada luqad cusub, iwm. Hadafyada waxay caawiyaan qofka inuu gaaro ujeedooyinka iyo horumarka uu rabo, waxaa loo isticmaali karaa in lagu dhiirigeliyo ama lagu hago qorshaha ama barnaamijyada qofka. Waxay sidoo kale caawiyaan qofka inuu fahmo waxa uu rabo inuu gaaro iyo sida uu u gaari karo.           Maxaa La Yiraahdaa Hiigsi Hiigsi waa qorshe ama ujeedo ballaaran oo qofku uu doonayo inuu gaaro. Hiigsigu waa inuu ahaado mid ballaaran, la gaari karo, la xisaabtami karo, iyo la joogtayn karo. Tusaale ahaan, hiigsi waxaa noqon kara in qofku uu doonayo inuu gaaro...

waa xikmado qaali ah oo ku anfacaya noloshadana anfacaya ka faaidayso xikmadaha qaaliga ah oo ku dhaqan kana faaidayso:-

Image
            1:-" Waxaan bartay in dareenka wanaagsani uuyahay kii naftaadu kuqanacsan-tahay adigoo-ogsoon waxa aad samaysay inay wanaag ahaayeen, adduunka oo-dhaniba hakugula colloobee . 2:- "U fiirso fikradahaaga, waxay noqdaan erayo, fiirso erayadaada, waxay noqdaan ficillo. Fiiri ficilladaada, waxay noqdaan caadooyin. Fiiri caadooyinkaaga, waxay noqdaan dabeecad. Fiiri dabeecadaada; waxay noqotaa aayahaaga. " 3:- "Marka aan samayno waxa ugu fiican ee aan awoodno, marnaba ma ogaanno waxa mucjisada ah ee lagu sameeyo nolosheenna ama nolosha qof kale." 4:- "Maskax baa ku jira madaxaaga. Waxaad cagaha ku haysaa kabahaaga. Jihada kasta oo aad doorato ayaad naftaada ku hagi kartaa.” 5:- " Mararka qaarkood qiimaha eraydaada qaarkood wuxuu noqdaa inay galaaftaan cimriga ruux dhan, ee ama  wanaag ku hadal ama aamusnaanta ku wanagsanow ." 6:- "Waa inaan xasuusannaa in sida aragtida wanaagsan ee nolosha ay kor ugu qaadi karto caafimaadka wanaagsan, ...

DHAMBAAL: Raali Galin Qof Aad Jeceshahay

Image
  Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaantiimba saaxiibayaal, kuna soo dhawaada qormo gaar ah oo aan todobaadkaan diiradda ku saarayo  dhambaal raali galin qof aad jeceshahay, ama qofka uu idiinka dhaxeeyo xiriirka saaxiibtinimo,marka uu khilaaf idiin soo kala dhex-galo maadaama isku-dhaca uu qeyb ka yahay nolol maalmeedka dadka ama lamaanaha. Qof waliba waxuu jecelyahay nolol leh  farxad  joogta ah,haddana waxaa laga yabaa in aysan sidaas mar waliba suuragal aheyn. In wax laga barto sida loo xalliyo ama loo qanciyo lamaanahaaga waa cilmi dheer oo u baahan daalacasho badan, si looga bad-baado kala tag deg deg ah intiiba suuragal ah. Kibirka ama is-adkeysku waa mid ka mid ah wadooyinka loo maro guul darrada. Ceeb iyo wax xun toona maahan in aad u jillicsanaato qofka aad xiriir wadaaga tihiin,waxaase sidookale muhiim ah iyo ixtiraamka uu ka yimaado labada dhinac. Sida caadiga ah dadku waxay ku kala duwanyihiin aragtida iyo garashada,qof walibana waxaa uu xaq u leeyahay...

Hababka Looga Dheeraado Waqti Lumiska Baraha Bulshada ama social media

Image
  Isticmaalka shabakadaha xidhiidhka bulshada (Social Media) waa sababta ugu badan ee waqti lumiska keenta casrigan aynu joogno. Waxa ay xeeldheereyaasha cilminafsigu xaqiijiyeen in baraha bulshadu ay tahay sida daroogo lala qabsado isticmaalkeeda. Maalin kasta boqollaal qof oo cusub ayaa ku soo biira isticmaalka shabakadahan qaarkood ama ugu yaraan mid ka mid ah. sahamintii ugu dambaysayna waxa ay muujisay in dadka dunida ee internet heli kara, ay boqolkiiba 63 isticmaalaan baraha bulshada. Waa dadka joogtada u isticmaala oo la qiyaasayo in maalin kasta ay ku lumiyaan celcelis ahaan 2 saac iyo badh. Si kastaba ha ahaato ee isticmaalka baraha bulshada khasaare ma wada aha, marar badan waxaa dhacda in qofku uu ka helo xogo iyo macluumaad badan. taas oo aanu heli karin haddii uu qaato go’aan ah in uu wada joojiyo isticmaalka shabakadahan. Qormadan waa talo lagu faafiyey shabakadda Aljazeera oo qofka caawinaysa, in uu uu ka faa’idaysto baraha bulshada, isaga oo dhinaca kalana k...